Start / Förskola och skola / Elevhälsa / Ungdomsmottagning / Soomaali - Somaliska

Rugta qaabilaadda dhallinyarada

Rugta qaabilaadda dhallinyarada Vallentuna waxa loogu tala galay adiga laga billaabo 12 jir ilaa iyo inta aad ka buuxisid 23 jir. Waxaannu leennahay waajib xog xafidid, booqashooyinka agteenna oo dhanna waa lacag la'aan.

Agteenna waxaa ka mid ah waxyaabaha aad:

  • uga hadli kartid tusaale ahaan xiriirro, isku kalsoonaan, murugeysanaan, welwel, cadaadis, dhaqan is waxyeelleyn, mashaakil sharafeed, ku xadgudub ama haddii caafimaadaagu aanu fiicnayn
  • caawimaad ka heli kartid dhibaatooyinka la xiriira galmada
  • uga hadli kartid, kaalmana kaga heli kartid waxyaabaha uurka looga hortago.
  • weydiin kartid xagga jirka, uureysiga, cudurrada xubnaha taranka, waxaadna sidoo kale agteenna isaga qaadi kartaa baaritaanno.
  • ka qaadan kartid bacda la gashado iyo kaniiniyada degdegga ee uurka looga hortago.

Annaga halkan ka shaqeyna waxaanu nahay umulisooyin, la taliyayaal xagga arrimaha bulshada, cilmi-nafsiyahan, dhakhtarka dumarka iyo dhakhtar ku takhasusay cudurrada maqaarka iyo caabuqa galmada lagu kala qaado.

Iska imaw

Iska imawga arbacooyinka saacadda: 14.00-18.00 waxaad iska baari kartaa cudurrada xubnaha taranka, sameyn kartaa uur iska eegid, qaadan kartaana warqad dhakhtar oo cusub oo ah kaniiniyada uurka looga hortago haddii aad horay u qaadatay, aadanna dooneyn in aad nuuca beddeshid.
Arrimaha/su'aalaha kale fadlan ballan u dhigo.

Ballan dhigo

Haddii aad dooneysid in aad taleefan ballan ku dhigatid waxaad naga soo waci kartaa taleefannambarka 073-558 11 00 Haddii aanan ka jawaabi kari, ku duub magacaaga iyo taleefannambarkaaga markaasna waxaannu ku soo waceynaa sida ugu dhakhsi badan oo aannu awoodno.

Wey fiicantahay sidoo kale in farriin taleefan oo qoraal ah aad magacaaga iyo taleefannambarkaaga ku soo dirtid, markaasna waannu ku soo waceynaa.

Waqtiyada umulisada, la taliyaha arrimaha bulshada iyo dhakhtar cilmi nafsi waxaa laga ballansan karaa barta intarneedka Xiriirkeyga daryeelka caafimaadka.

Waqtiyada furnaanta

Isniin ilaa Jimco waqtiyada horay loo ballansaday.
Furnaanta galbaha arbacooyinka ilaa iyo saacadda: 20.00 waxaa loogu tala galay booqasho horay loo ballansaday.
Iska imaw: Arbacooyinka saacadda: 14.00-18.00

Dhakhtar ku takhasusay cudurrada maqaarka iyo caabuqa lagu kala qaado galmada/Killkoktorn

Ayaa kaa caawin kara haddii aad su'aalo qabtid ama aad guska ama xaniinyaha wax dhibaato ah ka qabtid. Dhakhtarka ku takhasusay cudurrada maqaarka iyo caabuqa galmada lagu kala qaado waxaa uu Arbaco dhaaf caadi ahaan joogyaa rugta qaabilaadda dhallinyarada: 16-18 Haddii aad rabtid in aad hubisid in aad la kulanto isaga waxaa ugu fiican in aad ballan dhigatid.

Shahaaddeysanaan HBT

Qaabilaaddaaabilaadda dhaalinyarada ee Vallentuna waa hawl ka shahaaddadeysan HBT. Taasi waxaa ay ka dhigantahay in si istaraatiiji ah looga shaqeeyo arrimaha taabanaya xuquuqda qaniisyada, kuwa la galmooda labada jinsi iyo kuwa isaga gudbi jinsiyada iyadoo ay ulajeeddadu tahay in si ixtiraam leh loola kulmo iyo in shaqaalaha loo helo jawi shaqo oo wanaagsan. Macluumaad dheeraad ah ka fiiri shahaaddeysanaanta HBT, fiiri barta intarneedka RFSL.

Adigaaga ka weyn 23 sano

Ku soo dhawaw in aad u laabatid Wasmo aamin ah tala siin xagga waxyaabaha uurka looga hortago, baaritaan xagga cudurrada xubnaha taranka iyo tala bixin ku aaddan su'aalaha galmada.

Macluumaad dheeraad ah

Barta intarneedka ee Hagaha daryeelka 1177

Någonting gick fel

Ditt meddelande har nu skickats